Athletic Bilbao oo 4-0 uga adkaatay xalay kooxda Barcelona (Daawo Sawiro)

0
793

Kooxda kubadda Cagta Athletic Bilbao ayaa xalay xasuuq ba’an u geystay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Barcelona, waxayna Bilbao u dhigtay cashar lama ilaawaan ah kadib markii ay 4 – 0 ku xasuuqday.

Atheltic Bilbao ayaa waxaa goolasha u kala dhaliyay San Jose oo dhaliyay goolka furitaanka oo ahaa mid aan caadi ahayn halka uu Aritz Aduriz Zubeldia oo isna Sadaxley ka dhaliyay kooxda Barcelona.

Kooxaha Barcelona iyo Athletic Bilbao ayaa kulanka lugta hore ee Spanish Super Cupka iskaga horyimid garoonka kooxda Athletic Bilbao ee San Mames, kadib markii ay Barcelona ku soo guulaysatay UEFA Super Cupka oo ay Sevilla ka soo qaaday.

Tababare Enrque ayaa shaxdiisa isbadal wayn ku sameeyay wuxuuna nasiyay ciyaartoy dhawr ah oo ka mid ahaa ciyaartoydii kulankii UEFA Super Cupka ciyaaray 120 ka daqiiqo.Piqué, Rakitic , Busquets iyo kabtanka Barcelona ee Andres Iniesta ayaa dhammaantood fadhiyay kursiga kaydka Barca iyada oo kulankan fursad la siiyay Bartra, Vermaelen, Adriano iyo Sergi Roberto, waxaana shaxda Barcelona ee kulankan ku bilawday Pedro oo si wayn loola xiriirinaayay kooxaha reer Manchester.

Daqiiqadii 13 aad Athletic Bilboa ayaa gool la yaab leh waxaa u dhaliyay San José kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Athletic Bilbao hogaanka ciyaarta kula wareegtay, iyadoo Goolhaye Ter Stegen uu u muuqday inuu iska raadinayay qaab ciyaareedka goolhayaha ay isku Jarmalka yihiin ee Manuel Nueur, waxaana ka dhalatay kubad uu ciyaaryahan San Jose uu ka soo darbeeyay meel goolka Barcelona u jirtay 45 yards, waxayna kubbadu si toos ah gashay goolka.

Qeybtii labaad markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Barcelona ku bilaabatay dardar fiican waxaana daqiiqadii 50-aad Athletic Bilbao birta ku garacay Pedro wuxuuna helay fursad loo fishay goolka barbaraha ee Barcelona.

Atheltic Bilabo ay markale bilawday inay weerar aan kala joogsi lahayn ay ku qaado goolka Barcelona waxayna dadaalkeeda uu keenay inay dhaliso daqiiqadii 53 aad goolkii labaad Aritz Aduriz Zubeldia kaas oo ka dhigay 2-0 ay Athletico hogaanka ciyaarta ku qabatay.

Daqiiqadii 62-aad waxaa markale qaladka difaaca Barcelona ka faa’iidaystay Aritz Aduriz Zubeldia kaas oo markan ciyaarta ka dhigay 3-0 ay si lama filaan ah Atheltic Bilbao hoganka ciyaarta ugu dheeraysatay, iyadoo daqiiqadii 67-aad laga dhigay Rigoore kadib markii uu qalad galay Dani Alves, iyadoo rigooradaasi laga dhaliyay Barca, waxayna ciyaarta noqotay 4-0.

Ciyaarta ayaa ugu danbayn ku dhamaatay 4-0 oo ay Atheltic Bilbao ku xaaqday kooxda horyaalka Spain iyo Yurub haysta ee Barcelona, Barcelona ayay kulankan San Mames ceebi ka soo raacday waana natiijada ugu xumayd tan iyo kulankii ay Bayern Munich 4-0 ku dubatay Barcelona kulankaas oo ka tirsanaa Champions Leaque-ga.

spain spain1 spain2 spain3 spain4 spain5 spain6 spain7 spain0000