Diblumaasiyad Faransiis Ah Ayaa Doonyaha Geerida Ka Iibisa Qaxoontiga Suuriya Ee U Tahriibaya Yurub

0
659

Paris(Halsan) :- Muddooyinkii u dambeeyey maalin kasta waaa wararka dunida ku jira qisas iyo qodobbo ka waramaya masiibada iyo dhibta kala duwan ee ay la kulmaan qaxoontiga reer Suuriya ee doonaya in ay ka tahriibaan xeebaha dalka Turkiga iyaga oo naftooda ku miidaaminaya badda si ay u gaadhaan dalalka Yurub haddii kale ay qaraq ugu dhintaan badda, doonyaha oo aan lahayn habayaraato ee astaan iyo sifo keliya oo naf aadame loogu aamini karo awgeed. Laakiin dhimashada maalin kasta ay sababaan doonyahaasi iyo maydadka sida joogtada ah looga soo ururiyo xeebaha dalka Turkigu waxba kama ay beddelin damiirka ganacsatada samaysa doonyaha macmalka ah ee lagu tahriibo, si joogto ah ayaanay ugu iibiyaan xeebaha iyo meelo kale oo badan oo dalka Turkiga ah, iyaga oo dadka tahriibayaasha ah lacagta inta ay ka qaataan u sheegaya uun sida ay u kaxaysan karaan si ay iyagu badda ugu galaan.

 

Warku waa uu sii naxdin iyo fool xumo badanayaa marka aad ogaato in ganacsatada dadkan dhibban doonayaha geerida ka iibisa uu ku jiro diblumaasi weliba darajada Qunsul joogaa oo ka socda dal weyn oo ku taama in uu dhowro xuquuqda aadamaha.

 

Qisadan yaabka badan oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxa uu ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya oo Jimcihii dhowaa faafisay war sheegaya in qunsul sharafeedka magaalo xeebeedka Bodrum ee dalka Turkigu ay leedahay meherad weyn oo lagu iibiyo doonyaha tahriibayaashu kaxaystaan iyo qalabka kale ee dabbaasha, oo weliba meheradda horteedana uu ka taagan yahay calanka dalka Faransiisku.

 

Wariye ka tirsan talefishanka France 2 ayaa dhowaan waraysi la yeeshay haweenaydan qunsulka ah, oo xilli aanay dareensanayn in warkeeda la duubayo saxafiga u qiratay in ay doonyahan ka iibiso qaxoontiga tahriibaya, iyo weliba in doonyo ay iibisay ay sabab u noqdeen dhimashada boqollaal rayid qaxaya ahaa oo carruur badani ku jirto.

 

Fiidnimadii Jimcihii ayaa Kanaalka labaad ee talefishanka Faransiisku uu sii daayey barnaamij ay ku jirto qunsulkan oo meheraddeedan doonayaha iibisa dhex joogta, laakiin waraysigan lagaga duubayey kamarad qarsoon oo aanay filayn iyada oo leh, “Haddii aanan anigu ka iibin doonyahan, meheradaha kale ee noo dhowiba waa ay ka iibinayaan” markii uu wariyuhu hadalka ka dhex galay isaga oo ku leh, “Laakiin adigu qof iska caadiya ma’ tihid ee waxa aad metelaysaa qunsuliyaddii dawladda Faransiis. Miyaa aanad fahmayn in iibkan uu macnihiisu noqonayo in aad dhiirrigelinayso in qaxoontigu hab aan sharci ahayn u tahriibaan?” waxa ay ku jawaabtay, “Haa” iyada oo intaas u sii dartay, “Duqa degmada iyo masuuliyiinta kale ee dekedduba sidan oo kale ayaa ay doonyo uga iibiyaan qaxoontiga”

 

Dawladda Faransiiska ayaa markii waraysigan la sii daayey Jimcihii, isla markiiba shaqada ka joojisay qunsulkan. War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiskana waxa lagu sheegay in haweenaydan laga joojiyey shaqadii diblumaasinimo oo marka horeba ahayd qunsul sharafeed, kadib markii ay caddaatay in ay doonyaha geerida ka iibiso dadka qaxoontiga ah ee doonaya in ay badda kaga tallaabaan si ay u tagaa jasiiradaha Giriigga oo gogol xaadh u sii ah in ay u safraan Yurub.

Source-geeska