Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Oo Taxay Shuruudo Hor Yaala Cidda isu Taagaysa Musharaxa Madaxweynenimada Ee Kulmiye

0
665

Hargeysa(Halsan) :- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, oo la waydiiyay musharaxa Kulmiye ayaa ku dooday in madaxweyne Siilaanyo yahay musharaxa xisbiga ilaa ay isaga ka timaado inuu ka tanaasulo.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay warar ku saabsan in Madaxweyne Siilaanyo go’aansaday inuu ka tanaasulo musharaxnimada doorkiisa labaad ee uu hore u shaaciyay. Wararka ayaa intaasi ku daray in Xisbigu qorsheeyay in la kala saaro guddoomiyaha iyo Musharaxa taasina sababtay damaca rag badan oo Kulmiye ah qaarkoodna xukumadda xilal ka hayaan.

Haddaba arrimahaasi darteed ayaa guddoomiye Muuse Biixi oo maanta shaaciyay wakhtiga shirka golaha dhexe waxa la waydiiyay su’aalo nuxurkoodu ahaa in Kulmiye gudihiisa lagu tartami doono iyo sidoo kale in ilaa hadda la hayo Musharaxa xisbiga waxaanu yidhi isagoo su’aasha tartanka ka hadlaya “Marka hore yaa kugu yidhi waa la isku haystaa musharaxnimada xisbiga? Xaggeed ka keentay ma xisbigaad ka maqashay ma si rasmi ah buu uga soo baxay? Taasi waa malo awaalkeenii. Waxaanse idiin sheegayaa xisbigu waa xisbi dimuqraadiya. Sharcigiisa akhri, qof walba oo golaha dhexe ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu isu soo taago madaxweynenimo six or ah oo aan cidna cabudhin karrin,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

 

Guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa ka jawaabay musharaxa xisbiga  “Curfiga dawladnimada oo dhan iyo siday tahay Xisbigu wuxuu leeyahay madaxweynihii dalka, markiisii labaadna sharcigaa u ogol inuu ku soo noqdo, horta xisbiga waxaa u sharaxan saacaddaas aynu joogno ilaa laga gaadhayo shirka golaha dhexe madaxweynaha. Waxa kaliya oo jagadaasi banaananaysaa markay isaga ka timaado hawshaasi ee uu yidhaa waan banaynayaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay shuruudaha musharaxiinta haddii jagadaasi madaxweynuhu banneeyo “ Marka ay timaado musharaxiinta waxay leedahay qaab iyo sharci loo maro. Isagoo xisbigu dimuqraadi ah haddana xeer hoosaad loo soo maro  ayuu xisbigu leeyahay. Qofku markuu isa soo sharaxayo waxaa hor yaala shuruudo badan  oo ay ka mid yihiin : Xisbiga goormaad timid? Maxaad ku soo tartay? Fikirkaagu waa caynkee? Maxaad soo qabatay? Markaa sharciga xisbiga iyadoo la marayo qof walba oo golaha dhexe ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu isu soo taago jagada musharaxnimada madaxweynenimada,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

 

Ilaa hadda waxaa musharaxnimada jagada madaxweynenimada Kulmiye caddeeyay Xildhibaan Kijaandhe oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, halka la hadal hayo Wasiiro xukumadda ka tirsan oo damac ka hayo jagada hogaanka Kulmiye, sidoo kalena Muuse Biixi yahay musharax hore isku muujiyay balse Siilaanyo u tanaasulay haddana u taagan Musharaxa.