JAWAAB KU SOCOTA WASIIR XIRSI CALI XAAJI XASAN: SNM NIMADA WADA SHEEGAN MAYNEE, SOMALILANDNIMADAA INAGA DHAXAYSA. BY: ABDIRAHMAN HUSSEIN HUFANE KAAR

0
875

Waxaan rabaa inaan halkan bulsho weynta deegaanada galbeedka dalka uga soo gudbiyo hadal gaf iyo yaraysi ahaa oo xalay Wasiirka madaxtooyada XIRSI CALI XAAJI XASAN kaga dhawaajay oo madal ay ilyartu is qabatay oo lagu daah furayay barnaanimka shaacinta shahaadada labaad ee jaamacada EELO UNIVERSITY BORAMA ( Postgraduate ), marka uu wasiir xirsi ku hadlaayay hadalada deel qaafka ah ee aanay gayn dadka deegaanada galbeedku waxa iyadna in la xuso u baahan inay madasha fadhiyeen dad kuwii ugu miisaan cuslaa degmada Borama iyo guud ahaan dalka oo isugu jira Culimaa u diin, Aqoon yahano, Salaadiin, Iyo dhalin yaro kamana dhiidhiyin hadaladii wasiir xirsi ku hadlayay oo u

baahnaa fal celin hadal ah.
Aan hoos ugu daadago qoraalkayga aan ugu jawaabayo Wasiir xirsiye Akhristayaal ila socda.
Sidii u caadada ah Madaxda iyo Wasiirada Dalka wasiir Madaxtooyada XIRSI CALI XAAJI XASAN wuxuu hadalkiisa ku bilaabay hadalo u badan beer laxawsi, amaan iyo bogaadin afka baarkiisa ah oo uu jeedinayo dadka ree Borama.
Hadaladaa bogaadinta iyo mahad celinta isugu jiray waxa ka mid ahaa inuu wasiir xirsi wax ka xusay sidii ay dadka reer Borama ugu gurmadeen beesha dhexe markii ay dagaalada sokeeye dhexdooda ka bilaabmeen, sidoo kale waxa uu wax ka xusay sidii reer Borama u martigaliyeen shirkii 1993kii bishii May ka dhacay degmada Borama Gaar ahaan dugsiga sare ee SH CALI JAWHAR, shirkaasi oo ahaa kii salka loogu dhigay dalka somaaliland laguna doortay madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland kaasi lagu doortay si dimuqraadiya.
Wasiir xirsi waxa kale oo uu sheegay in heesta calanka Somaliland uu sameeyay nin reer Borama ah oo ahaa abwaan caanka ah Somaliland iyo guud ahaan gayiga somalidu degto, sidoo kale waxa uu wasiir xirsi ka ilduufay in xataa calanka Somaliland u sameeyay nin reer Borama ah oo la odhan jiray MURAAD CABDALE MURAAD Ebe ha u naxariistee.
“Arimahaa uu wasiir xirsi ka soo hadlay maaha kuwa reer Borama ay uga fadhiyeen inuu ku amaano ee waa wax ay u hureen qarankooda oo aanay cidna amaan kaga doonayn”.
Sheekadu markaa halkaa marayso ayuu Wasiir Xirsi Cali waxa uu sheegay in uu bulshada reer Borama usoo jeedinayo hadal garnacsi ah waxa uuna hadalkiisa ku bilaabay sidan:——————- Bulshada reer Borama waxaan leehay wixii dalkan uu ugaystay Siyaad Bare gaar ahaan beesha dhexe waan ogahay inaydaan ku farax sanayn oo aad ka xumaydeen , inkastoo ay jireen dad la shaqaynayay Siyaad Bare sida ay gobol kasta oo Somaliland ka mida uga jireen sida Hargaysa, Berbera, Burco, Iyo Laascaanoodb, maanta waxaan idin leehay waxaan la gor gortamaynaa waa dawlada somaliya markaa waa inaan SNM nimada meel uga soo wada jeesanaa oo aan wada sheeganaa.
Jawaabta hadalkaa: Wasiir xirsi SNM nimada wada sheegan maynee, Somaliland nimada ayaan wadaagnaa. Sababtoo ah Jabhadii SNM waxay ka koobnayd beesha dhexe oo kaliya haddii aanaan horaba idiin la wadaagin maanta idin la sheegan mayno. Sidoo kale SNM xasuuqii ay ka gaysatay gobolada galbeedka Somaliland maaha mid aan ilaawi doono waana maalin madaw oo taariikhda noogu taale, Haddii aad rabto in wax la wada wagaago maxaad baroor diiq ugu samayn waydeen sanadkii 1991Kii 4 February markii ay jabhada SNM xasuuqa ba’an ee naf iyo maalba leh ka gaysatay deegaanada Awdal, Sidoo kale wasiir marka ay damcaan dadkii dhibaatada baahsan ee naf iyo maal ba leh ka soo gaadhay SNM inay dadkoodii xus iyo xasuus u sameeyaan xukuumadu way ka hor istaagtaa cidii ay ku aragto inay arimahaa soo abaa bulayaana waxay iskugu dartaa caga juglayn iyo xabsi sidaa darteed Wasiir Xirsi Caliyoow SNM nimada wada sheegan maynee Somalilandnimda ayaa inaga dhaxayn.
Wasiir xirsi oo hadakiisa sii wataa waxa uu tusaale u soo qaatay in SNM nimada ay reernimada ka baxdo oo ay noqoto mid caam ah oo ka dhaxaysa dadka reer Somaliland dagaaladii dunida ka dhacay sida:—– Dagaalkii koowaad ee dunida iyo kii labaad waxana uu yidhi wasiir xirsi:——————- Dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee dunida waxa sameeyay oo dagaalamay dawlado gaar ah maantana dunida ayuu ka dhexeeyaa oo waxa loogu yeedhaa dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee dunida.
Jawaab: Wasiir xirsi waa run hadalkiisu balse wuxuu moogan yahay sida la iskugu raacay inuu dunida ka dhexeeyo inay tahay in cid kasta oo wax ka soo gaadheen ay maalmahaa madaw ee aafada dagaal qabsatay ay xus iyo baroor diiq u sameeyaan dadkoodu nafta ku waayay dagaalka. Sidoo kale wasiir dawladaha dunida ee u dhex maray dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee dunidu waxay isku raacsan yihiin in laga wada sheekeeyo dawladihii guulaha gaadhay iyo kuwii guul daraystay hasa yeeshee beesha aad ka tirsan tahay ee SNM lahayd ma ogola in laga sheekeeyo ama xus iyo baroor diiq loo sameeyo dadkii ay xasuuqa u gaysatay SNM ama lagu daro manhajyada waxbarasho ee dalka maadaama SNM iyo waxyaabihii ay qabatay lagu daray manhajka waxbarasho ee dalka.
Mida labaad wasiirku waxa uu is bar bar dhigay dawlado waa weyn oo ku loolamayay sidii ay aduunkan aan ku nool nahay uga talin lahaayeen Iyo jabhadii SNM oo ah ka koobnayd qabiil qudha waana nasiib daro muujinaysa jaahilnimo iyo dano qabiil oo laga leeyahay dalka Somaliland marka ay wasiiradeedu sidaa u hadlayaan.
Wasiir XIRSI CALI XAAJI XASAN iyo cid kasta oo la mawqif ah ba inaanaan ka yeelayn inay umada reer Somaliland wada sheegtaan SNM nimada ku koobnayd beesha dhexe oo kaliye, hasa yeeshee waxaan wasiirka iyo dhamaan dadka reer Somaliland wadaagnaa oo naga dhaxaysa Somaliland nimada.
Cid kasta oo dood ka qabtana wuu u furan yahay qoraalku.
Wabilaahi Tawfiiq.
Abdirahman Hussein Hufane “Kaar”
Tell: 063-4559102
Email: Kaar5581@gmail.com
Borama.s