Samaroon wuxuu noqday reer ba’ayow yaa ku leh

0
702
Samaroon wuxuu noqday reer ba,ayow yaa ku leh.By maxamed jeexWaxaa beryahan dhegahayaga kabatay warar aanan jeclaysan oo ka imanaaya wadankii hooyo ee somaliland in badanbaan arimahaasi aan ka aamusnayn ama aan islahaa waxbaa hagaagi laakiin wax loo adkaysan karo maaha arimahaas nuucaasoo kaleh ahi.

Haddii aan u dhaadhacno arinta waxaa hore u jiray oo aad looga soo hadlay wakhti imika mudo dheer laga joogo rag gobolada galbeedka laga qaqabtay oo dawlad djibout loo dhiibay si sharcidaro ah ragaasoo dhamaantood ahaa beel weynta samaroon iyagoo lagu eedaynaayay arimo aanay shaqo ku lahayn oo ay fuliyeen dad ka soo kala jeeda 2 labada qabiil ee nimakaa samaroon isku dhiibaaya ku waasoo kala ah ISAAQ IYO CIISE.

Arimahan horay waxaa uga soo hadlay culumo waawayn oo uu ka mid yahay sheekh daheeye iyo salaadiinta gobolada galbeedka dhamaantood arintaana cadeeyay inanay waxba kajirin.

Waxaa hadana baryahani ka soo yeedhaaya dhulkii in gabadh waxtar u lahayd dadka gobolka oo weliba qurbaha ay ku dhalatay uga soo haajirtay inay wax u qabato dadkeeda dalkeeda umadeeda shacabkeeda gobalkeeda.

Gabadhaas oo sida la soo sheegay mudo 15 cisha ah ku jirta xabsiga magaalad borama una xidhan arimo aanay shaqo ku lahayn tasoo aan u aragno inay lamid tahay arimihii ragii hore lagu xidhay inay tu lamid ah uun ay tahay tanina.

Sida ay diideenu sheegayso qofku haddii uu qaangaadh yahay cidna masuul kama aha laakiin arinta gabadhan magaceedu yahay hilaal muuse buux waa gardaro aan geedna aan loogu soo gaban.

Haddii uu nin waxa uu gaysto nin kaleh loo xidhaayo hargaysa iyo burco ayaa la wada xidhilahaa dadka kunool sida aanu ognahay ina godane caruurtiisii,dumarkiisii walaalihii oo rag iyo dumarbaleh ayaa burco iyo hargaysa buuxa waxaana la hubaa in sanad walba uu imanjiray hargaysa iyo burco oo dumarkiisa uu ka dhali jiray dawlada somaliland ay ogayd inuu iman jiray magaalooyinkaas aan kor ku soo sheegnay.

Hadaba su,aashu waxay tahay maxaa ina godane walaalihii iyo faamilkiisa loo xidhxidhiwaayey mise beelaha samaroon baa noqday mashruuc ay ku heshiiyeen labada beelood ee dhinacyada ka xigaa inay ka iibiyaan oo ay dhaqaale ku raadsadaan miyaanay ogayn kuwa sidaas ku fikiraaya in aduunyadan ilaahay abuurtey dulmiga ay wadaana uu ilaahay if iyo aakhiroba labadaba kaga jaraayo aayad qu,raan ah waxay leedahay haday dunidaa dhani kuu heshiiso inay ku dhibaateyso oo aanay xag alleh ka iman cidi wax kaa qaadimayso.

Guntii iyo gabagabadii beelaha samaroon haka midoobaan oo haka digtoonaadaan hana iska ilaashaan shir qoolada ay soo maleegayaan wax magaratadu.

Dawlada somaliland waxaan leenahay somaliland maaha dawlad ixtiraaf haysata waa beelo heshiiyay oo ku heshiiyay inay nabad galyo ku wada nooladaan haday markaa beeli doonto inay beel kaleh dadkeeda cadawga u dhiibto ama ay dulinto heshiiskaas aan kor ku xusay uu burburayaal waxaana lagu noqonayaa beelaysi iyo dagaalo qabiil ee hala ogaado.

Markaas waxaanu leenahay dawlada somaliland haka waantowdo dadka samaroon ee ay cadowga u dhiibayso gabadhaasna waa in 24sacadood xoriyadeedii loogu soo celiyaa haddii kaleh hayada xuquuqal iinsaanka u dooda ee ku yaala Brussels ayaan dacwadeeda u gudbinaynaa.