Shicibku maxkamada sare waxay ka sugayaan cadaaladii Cali iyo Cumar by Abdi Mustafe

0
593

Cadaaladu Allay taqaan ee ma taqaan kanaa ah Cali, Cumar, Silaanyo, Sulieman gaal ama Guurtiya.

Warqadda uu Madaxweyne Silaanyo u gudbiyay maxkamadda sare ee uu kaga dalbanayo inay ka garnaqdo go’aanka muddo-kordhinta ay  guurtiddu ku dhegantahay, waxay shicibku filayaan in ay u dhacdo si cadaalada. Cumar Binu khadaab ayaa damcay in uu kacbada balaadhiyo. Nin jago ku ag lahaa ayuu ku yidhi waar soo qiimeyso kabcada ayaan ku darayaa. Ninkii wuxuu uugu jawaabay waad iska hadashay ee jagadeyda kacbada ku dari maysid. Cumar oo yaaban baa yidhi hadaba adigu soo kaxayso qaadi inoo qarnaqa. Qaadigi gartii wuxuu siiyey ninkii jagada lahaa oo wuxuu Amiir al-muuminin kii Cumar ku yidhi waad gardarantay oo nin baad gardaro xoolihiisii doonaysaa in aad ku qaado. Cumar nimankuu manuu xidhin manuu diidin ee gartii buu qaatay. Mudo ka dib baa ninkii u yimi Cumar oo uu ku yidhi ku dar jagadaydii kabcada iminkaan raali ka ahay oo waxaan ku tusaayay in aanad xoolahayga baadil ku qaadi karin e.Yaa salaam Amiir kii ayaa gartii lagu naqay oo qaatay.  Eesh calaa cadaala.

Cali Binu abii Taalib oo isna waqtigaa Amiir al-muu miniin ah ayaa nin yahuudiyi wax ku qabsaday.Cali intuu hoos u soo degay uu dhulka fadhiistay ayuu qaadi kale saaray kursigii oo uu ku yidhi noo gar qaad Amiir nimadii dhulkaan dhigayaa inta gartu socoto e. Hadaba maxkamada sare haday ilaahay taqaan na gartii asxaab taasi qaadeen oo kale ayay qaadi haday Sulieman gaal taqaan na tu kale ayay qaadi. Silaanyo isagu kol haduu maxkamada u gudbiyey xil kiisii wuu ka soo baxay ee maxkamadu ama cadaaladii ilaahay bay qaadi ama mid ay Silaanyo uugu dhawaanayaan bay ku gar niqi. Gartan taagan na cid waliba wey arkeysaa in guurtidu fitno wado oo uunka kale oo dhami ka soo hor jeedaan oo taas ayaa muujinaysa in laga gar leeyey guurtida. Kol hadii sadexdii xisbi iyo xukuumadi heshiis saxeexan ku wada galeen in doorashada December 2016 la qabto oo cid diidani aanay jirin ma guurtidan qoriga dabka le la wareegeysa ayaa gar la siin karaa. Jawaabtu waa maya.