War Degdeg ah: Qarax Caawa Ka Dhacay Affaafka Hore Xarunta Madaxtooyada Muqdisho & Qasaaraha Ka Dhashay

0
590

Muqdisho(Halsan):- Inta la hubo Laba ruux oo Soomaali ah, ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay Affaafka Hore madaxtooyada Soomaaliya caawa.

Weerarka, ayaa dhacay xilli ay wafuuddii shirka qaarkood ay madaxtooyada ka soo baxayeen, halka kuwa kalena ay halkaasi gelayeen.

Gaadhi uu lahaa wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa waxyeello ka soo gaadhey weerarka, waxana la sheegaya in qaar kamid ah ilaaladiisa oo Soomaali ahaa ay dhaawacmeen.

Ma cadda in weerarku uu bartilmaameedkiisu ahaa Nicholas Kay, haseyeeshee wararka qaar waxay sheegayaan in markii uu weerarka dhacayey Mr-Kay uu ku sugnaa xarrunta madaxtooyada, uuna dhacay qaraxa xilli uu doonayey in uu madaxtooyada kabaxo.

Dhacadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maanta Muqdisho lagu soo geba gebeeyey shirkii wadatashiga ee doorashada xigta dalka Soomaaliya.