Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cuqdad uu ka qabo Marxuun Maxamed Rashiid Awgeed ka Cadooday Taangi Waqaf ah oo loo dhagax-dhigay

0
622

Hargeysa(Halsan) Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa Weli Xumaan iyo Cadho u qaba Marxuun Maxamed Rashiid oo ahaa Xoghayihii Ururkii Hore Ee Solja oo iminka mudo ku dhaw ilaa sanad Ku Geeriyooday Duleeedka Magaalada Berbera ka dib markii uu gaadhi kula qalibmay,waxaanu si cad uga cadhooday Taangi waqaf ah oo looga dhagaxdhigay Goobtii uu gaadhigu kula dhacay marxuunkaas M/rashiid ee ahaa tiirarkii saxaafada.waxay ahayd maalintii shalay ee taariikhdu ahayd 8/9/2015 markii ay Ururka Suxufiyiinta ee Secja ay xafiiskiisa ugu galeen iyagoo ka doonaya waraaqdii kofer leetarka ahayd ee sharciga ururnimada ah oo ay sharci ugu lahaayeen wasiirka isla markaana ay waydiisteen inuu u qoro maadaama ay soo dhamaysteen wixii xaq loogu lahaa ee shuruudo ah,wasiirka ayaa ku tiraabay kelmado badan oo aflagaado iyo hanjabaad isugu jira kuwaas oo ku yidhi Gudoomiyaha Ururka secja iyo ku xigeenka ururkaas,wasiirka ayaa ku tiraabay ama ku qayliyay inaanu Ururka Secja Sharci siinayn maadaama oo aad dhagax dhigteen Taangi Biyood,waxaaa Kelmadihiisii ka mid ahaa Waxbaad iska dhagaxdhigaysaan idin siinmaayo wax sharci ah,waliba waan idin xidhxidhayaa,balantii waad jabiseen marhadii aad wax dhagax dhigteen,kelmadahaas iyo kuwa kale oo badan oo qalinku ka xishoonayo ayay ahaayeen kelmadaha uu wasiir Xukuse ku tiraabayay iyadoo dareen cadho lihi ka muuqato sida uu uga Xunyahay Taangigaas Biyood ee Marxuunka loo dhagaxdhigay ee Ururkaasi is lahaa ajar ha ka Helo oo aakhiro haw tagto,taasina waxay ku tusinaysaa wali Cadaawada uu u qabo Marxuunka kaas dhintay.Waxana wax lala yaabo ah marxuunkaas dhiintay waxa uu wasiirku ula ficiltamayo.

 

Source: Oodweynenews