, !

0
87

, !

 (GABILEY GOBOL U SOO KORDHAY JAMHUURIYADA SOMALILAND)

Taariikhdu waa taxane iyo tix-raac u baahan in loo dhugmo yeesho , oo la weeleeyo waxii soo jirey iyo dhacdooyinkii la soo maray.

Gabiley waxa aan u aqaanaa inay tahay Aabihii gobanimo doonka Somaliland marka aad eegto dhacdooyinkii iyo taariikhihii halgankii xornimada ee dadka jamhuuriyada Somaliland ku jireen 1884 ilaa 26 June 1960kii.

Wax badani waxay ku cad yihiin suugaanta abwaan Cabdilaahi Suldan timocade taariikhdaasi hore iyo hal-haysyadii Ina-xagaa dheere ee ahaa xikmada taariikhiga ah sida; markii ingiriiska iyo caaqil Sharmarke xagaa is qabteen ee ingiriisku ku yidhi miyaanan mushahar ku siinin sidaa yeel , dabadeedna caaqil Sharmarke wuxuu keenay bawladihii ( lacagtii ) la siinayey oo jalxad ku jirta waxaanu yidhi tirso waa taase .

Marka taariikhdii soomaaliya laga hadlayo sida uu ku qorey cabdiqadir Aroma buugiisa sababaha burburka soomaaliya Gabiley waxay ka mid ahayd marka la eego dadkeega iyo wax soosaarkeega meelaha dulmigu ku dhacay ee aan cadaalad helin.

Wuxuu tusaale u soo qaatay Gabiley oo dadkeegu waagaasi ahaa 60 kun iyo dheeraad in hal mudane ka soo bixi jirey wuxuu barbar dhigey Berbera oo tirada dadkeegu ahaa 56 kun waxa ka soo bixi jirey sadex mudane.

Halgankii dib u xoreynta dalka u Kaalay,  reer Gabiley waxay ahaayeen iyada oo aan wali SNM lagu dhawaaqin dadkii ka dhiidhiyey dulmiga iyo cadaalad darada ee aas-aasay jabhadii 4aad ee Muj Maxamed Cali Alle ha u naxariisto e.

Dawladnimada iyo dib u dhiska Gabiley waxay ahayd hormoodkii jamhuuriyada Somaliland iyo dadkii ugu hor aqbalay dawladnimada ee ciidan ,cod iyo cududba ku taageeray in la helo qaran dhisan oo la yidhaahdo Jamhuuriyada Somaliland.

Taariikhdii maamul ee dawladnimada iyo ta doorashooyinka dalka oo ka dhici jirey 23 degmo oo 6 Gobol ka koobnaa Gabiley waxay ku qiimeysnayd gobol mudo dheer oo dalku soo shaqeynayey waxaana la odhan jirey 6 Gobol iyo Gabiley.

Sanadkii 2008 ayuu Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin Gabiley u magacaabay inay noqoto gobol sidoo kale leh Degmooyinka; Arabsiyo , Alleybaday, Agabar, Wajaale iyo Geed-Balaadh .

Qiimeynta Gobolnimada marka la eego xeerka Gobolada iyo degmooyinka dalka Gabiley shuruudaha Gobolnimada way buuxisay sida ku cad xeer lr.23 2019.

Shalay 12 May 2024 ayuu madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisu u codeeyeen in Gabiley gobol dhameystiran tahay una gudbiyeen golaha wakiilada qiimeynta gobolnimada Gabiley .

Gabiley waxay ku taalaa goob muhiim u ah qaranka jamhuuriyada Somaliland waxay xuduud la leedahay dalka Ethiopia waana albaabka laga galo dalka Ethiopia oo jamhuuriyada Somaliland ay wadaagaan wax badan.

La soco….

W/Q; -Mohamed Abdi Jama” Dhimbiil Mohamed”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here