HA LAGA TAGO SADBURSIGA!

0
62

HA LAGA TAGO SADBURSIGA!

Kitaabka (Caalamku muxuu ku khasaaray dib-u-dhicii muslimiinta) oo uu qoray Sheekha wayn ee Hindiga ah Alle ha u naxariiste eh  ( Abul Xasan Al nadawi) ayuu ku yidhi sidan soo socota:

HA LAGA TAGO SADBURSIGA

Waxa soo maray arlada carabta, xili taariikhda ka mid ah, oo noloshu ku wareegaysay QOF KALIYA, WAA QOFKA BOQORKA AH AMA KHALIIF KA AH, amaba tira yar oo rag ah, waa wasiirada iyo caruurta boqorada. Dhulku waxa uu ahaa mid uu iska leeyahay QOFKAA badhaadhay, umaduna dhammaan waa xayn la leeyahay ama adoomo ah, isagaa ku amar-ku-taagleeya xoolahooda, hantidooda, nafahoooda, sharaftooda.

Umaddaa uu xukumayayna waxa ay ahayd  hadhkiisii , ama noloshiisa wax kaabe u ah.

Noloshu  waxa ay ku wareegaysay QOFKAA, taariikh, cilmi, suugaan, gabay, wax soo saar. Haddii qof yidhaa xiligaa ka sheekee, ama suugaaantii xiligaa eeg, waxa wada haysta umadii (dhan kasta) qofkaa, waaba , sida geed wayn oo ,doogii hareerihiisa iyo geed-gaabkii ku dhawaa,  hawada iyo cadceeda ka qariyay, sidaas ayay umaddii qofkaa uugu libidhay, oo noqotay mid caata ah oo aan shakhsiyad iyo rabitaan lahayn, oo xoriyad iyo karaamaba lahayn.

QOFKAASI  waa ka noloshu u shidantahay, isaga ayaa beer waluhu u daalaa, ganacsaduhu u shaqeeyaa, farsamayqaanku  u dadaalaa, qoraaga iyo gabayaagu wax u curiyaan, isagaa hooyooyinku ubadka ay dhalayaan loo hibeeyaa, ragu dagaalka u dhintaan awgii, ciidamadu u dagaalamaan, isaga ayay arladu macdanteeda u soo tuftaa, baddu khayraadkeeda siisaa, khayraadka iyo kaydka arlada isagaa  loo soo saaraa.

Umadiina iyada oo wax soo saarka iska leh, waxaas oo badhaadha ahna gacanteeda ku keentay, nolol saboola ama adoon la leeyahay ah , ayay ku nooshahay, waxa raali galiya waxoogaa miiska boqorka ka soo duulduula, ama inta isaga ku xeeran hadhaagooda, markaas ayay mahad naqdaa. Intaa yar ayay xataa marar waydaa, markaas ayay iska dulqaadataa, aadaminimadeeda ayaa laga yaabaa inay dhimato, oo aanay wax dareena muujin, iska dhaaf taa oo waaba ay isku dha-dhajisaa, oo is tidhaa bal in aad fursad yar uun ka hesho.

Arin kaasi  aan sheegay waa waayo in badan ka hana qaaday dalalkeenan bariga, oo nolosha in badan raad kaga tagay, nafteeda, suugaanteeda, gabayadeeda  dhaqankeeda, bulshadeeda,  oo laga heli karo wali magtabadaha carabta, waxa si fiican u soo  bandhigay kitaabka ALF-LAYLA-WALAYLA (kun habeen iyo habeen). Kaas oo si xirfadaysan uga waramaya noloshii xilagaa. Xiligii boqorka fadhiya Baqdaad ama Dimashq ama Qahira, uu ahaa wax kasta isagu, iyo jilaaga nolosha ee ay wax walba ku soo ururayaan.

Xiliyadaa uu ka sheekeeyay kitaabka ALF-LAYLA-WA-LAYLA, ee sheekooyinka iyo khayaaliga lahayd, ama uu ka sheekeeyay kitaabka ALAQAANI, taariikh iyo suugaanba, , muu ahayn Xili islaam lagu sheego, mana uu ahayn xilli arimuhu caadi ahaayen oo caqligal ah, islaamku waxaa raali kama aha, caqliguna ma ogola, is ka dhaaf in uu ogolaada oo, islaamkuba waxa uu u yimid in  uu waxaa dabar gooyo, waana uu  ka dayriyay , boqorada caynkaasana si cad ayuu u reebay fool xumadaa ay wadaan, sida boqoradii Faaris iyo Rome, waxa uu aad u diiday islamku  habkoodii sadbursiga iyo noloshii bakhaanbakha boqorada.

Nolosha caynkaas ihi ma aha mid jiraysa oo soconaysa, caalamka meelna iyo xilina ka soconmayso. Mana jirayso, haddii aan bulshada  laga xoog roonaan, ama aanay maskax  daro  umada ku iman, ama aanay dareenka iyo baraaruga lumin, ama nafteeda iyo ruuxdeedu ahayn wax dhintay.

Xaalada caynkaas ah caqligu ma ogola. Bal sheega cidda raali ka ah, in qof ama tira yari bakhaanbakh ku noolaadaan, cun oo  cab ah, si kasta. Kumanaan qofna u dhintaan gaajo iyo macaluul. Yaa raali ka ah, in boqorka iyo caruurtiisu ugu ciyaaraan xoolaha ( umada) sida dadka waalan, dadkiina la’yihiin wax, gaajo awgeed dhabarkooda tiiriya, ama dhar cawradooda astura. Yaa ogol in  dadka xoogiisii, halgamaan oo wax soo saaraan oo nolosha shaqa adag oo aan dhammaad lahayn ku jiraan, qolo kale , oo fara ku tiris ihina, ay ku  jiraan dheelid iyo ku raaxaysiga wixii  bulshadaa halgamaysaa tacabtay, iyada oo waliba aanay  qolooyinkaasi abaal uugu hayn, kuna mahadinayn, dareensanayna , kuna baraarugsanayn tacabka dadkaa halgamaya ( e waxoodii ay kaligood cunayaan).

Yaa ogol in ay dhibaatoodaan dadkii xirfadlayda ahaa, ama maskaxda lahaa, ama dadaalka lahaa, ama hibada iyo toosnida lahaa, oo dhanka  kale , ay  badhaadhe ku noolaadaan, rag shaqadoodu tahay, sidee xoolaha loogu ciyaaraa, oo aqoon daro hayso oo xumo iyo khamri uun ka shaqeeya. Yaa ogol in la fogeeyo dadkii waxtarka iyo kartida iyo amaanada lahaa, oo loola dhaqmo, sidii dad nolosha ka dhacay, oo ay boqorka ku xeeraadaan koox naf ahaan iyo maskax ahaanba u liita, oo aan damiir lahayn, hamigooda  kaliyina yahay sidee xoolo si kastaba loogu helaa, wax xirfada oo ay leeyihiina jirin,  oo aan ahayn isku-dhajinta iyo amaanta (boqorka ), iyo dad aan waxba galabsan sidii ay u wanjali lahaayeen. Waxa kaliya ee lagu sifayn karaa waa dareen laawayaal, bilaa xishood ah.

Xaalada caynkaas ihi caadi maaha, maalin inay jirtana maaha, iska dhaaf sanada oo.

Haddii taasi   taariikha hore ay dhacday, oo mudo socotay, waxa keenay baraarug la’aan umada ah, ama iyada oo la xoogay, iyo islaamkii oo hoos u dhac ku yimid oo Jaahiliyadii xoogaysatay. Waxase dhab ah  in waxaasi  burburayo oo kala daadanayo, mar kasta oo cadceeda islamku soo baxdo, oo baraaruga umadu tooso, oo umadu kacdo,  iyada oo nafteeda iyo dadkeeda la xisaabtamaysa.

Waxa aan u sheegayaa kuwa wali ku nool, xiligii ALF-LAYLA-WA-LAYLA, in xiligaasi dhammaaday, markaa nafahoodu yaanay been u sheegin, oo  yaanay naftooda saarin gaadhi banjaray oo burburay. Boqortooyadu waa faynuus shidaalkii ka dhammaaday oo dubaaladiisii gubatay, waana uu iska bakhtiyayaa, xataa hadii aan dabayli bakhtiin.

Islamka meel kuma laha, nooc kasta oo sad bursi ihi, islaamku ma ogola sad bursi , qof ama qoys, sida dalalkan reer bariga aynu ku aragno iyo dalalka islamka. Islamka meel kuma laha, sad bursiga koox is habaysay, sida ka jirta dalalka Europe iyo Maraykanka iyo Ruushka. Europe  waa qaab xisbiyo, Maraykana waa hanti goosad, Ruushkana waa cid tira yar oo aaminsan shuuciyada xag jirka ah, kuwaas oo umadii kale dhakada ka haysta, waxana ay shaqaalaha iyo dadka jeelalka ku jira uula dhaqmaan si  naxariis daro ah , iyo bahalnimo aan xad lahayn oo aan taarikhihii u xumaa ee caalamka lagu arag..

Sadbursigu nooc kasta oo uu leeyahay waa uu tagayaa ( dhammaanayaa), aadamuhuna waa uu ku kacayaa, si darana waa ay uga aar gudanayaan. Mustaqbalkana islam uun baa iska leh, islamka dusha badan ee dhexdhexaadka ah ee cadaalada badan, sad bursigu haba qaato waqti eh, oo hogaanka haba sii daysto eh, hana ku sii jiro baadidaa iyo qooqaa in muda ah e.

Sadbursigu, ama qof ha ahaado, ama qoys ama xisbi ama dabaqad, waa wax aan caadi  ( dabiici) ahayn, xaga nolosha umada, umaduna fursada u horaysa ee ay hesho ayay LAAD KU DHUFANAYSAA. Sadbursi islamka meel kuma laha, meelna kuma laha bulsha baraarugsan oo qaangaadha, sii jiritaanka sadbursiguna ma laha rajo uu ku jiro. Waxa markaa u wanaagsan muslimiinta iyo dawladaha  reer galbeedka, iyo hoggaankooda iyo madaxdooda inay ka faraxashaan iskagana tagaan sadbursiga, xidhiidh-kana u jaraan inta aanay iyaga iyo sadbursigu haadaamo iskala dhicin.

Waxa qoray

Aqoonyahan Sh AbulXasan Alnadawi(ahun), 70 sanadood ka hor.

waa sheekh ku xeeldheer aqoonta taal muslimiinta gudahooda iyo ta reer galbeedkaba, ama caalam waynaha, afafkoodana aqoon durugsan u leh.

Waxa turjumay Sh. Maxamed Xaji Maxamud Xirsi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here