Cali Khaliif Oo u Qaxay Balicad kana huleelay Xaruntiisii Saaxdheer

0
908

Hargeysa(Halsan) :- Hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa ka guuray xaruntii uu hore u degenaan jiray ee magaalada Saax-dheer, waxaanu wixii hadda ka dambeeya xarun ka dhiganayaa magaalada Balicad.

 

Cali Khaliif, ayaa culays kaga yimid dadka deegaanka ka dib wuxuu go’aansaday inuu fadhiisin ka dhigto magaalada Balicad, waxaanu hadda ku suganyahay magaaladaas ka dib markii uu magaalada Buuhoodle iskaga baxay. Ku xigeenka Cali Khaliif oo isagu jooga magaalada Saaxdheer ayaa isna ku soo jeeda dhinaca Balicad halkaas oo noqon doonta xarunta ay fadhiyi doonaan wixii  hadda ka dambeeya.

 

Cali Khaliif ayaa la aaminsanyahay inuu Saaxdheer uga guuray culayska kaga yimid dadka deegaanka iyo weliba ciidanka qaranka Somaliland oo ku sugan duleedka tuuladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here