Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Mid Kamid ah Beelaha Dega Gobolada Saaxil, togdheer iyo Saraar!

0
44

Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Mid Kamid ah Beelaha Dega Gobolada Saaxil, togdheer iyo Saraar!

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali X Xasan iyo Musharraxa madaxweynaha Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hoyga guddoomiyaha kulan balaadhan kula qaatay haldoorka Beesha Cisman Yoonis (Reer Yoonis ) ee degta gobollada Saaxil ,Togdheer Iyo Saraar.

 

Waxgaradka, Dhallinyarada aqoonyahanka, xildhibaannada iyo haldoorka kale ee beesha ayaa si weyn u taageeray xisbiga WADDANI.

Musharraxa iyo guddoomiyaha oo ay weheliyaan guddoomiye kuxigeen Saleebaan Ducaale Jaamac, guddoomiye xigeen Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo iyo masuuliyiin kale ayaa si weyn u soo dhaweeyay taageerada deegaannada balaadhan ee beeshu degto islamarkaana ballanqaaday in ay si mug leh u tixgelin doonaan waxka qabashada baahiyaha deegaannada beeshu degto marka xisbigu talada qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here