Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Dhambaal Tacsi udiray Qoyska Iyo Qaranka Uu Baxay Marxuum Suldaan Bare Oo Hargaysa Ku Geeriyooday.

0
49

Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Dhambaal Tacsi udiray Qoyska Iyo Qaranka Uu Baxay Marxuum Suldaan Bare Oo Hargaysa Ku Geeriyooday.

Alle Ha,unaxariistee Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale, oo goordhawayd ku geeriyooday cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

waxaa Dhambaal Tacsi Udiray Qoyskii, bahda dhaqanka iyo guud ahaan shacabka  Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN;

Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, bahda dhaqanka, asxaabta iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale, oo hadda ku geeriyooday cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Waa geeri naxdin leh, marxuumku waxa uu ahaa tiir weyn oo ka baxay bahda dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, marxuumku waxa uu ahaa madax dhaqameedkii dalkan dib u dhiskiisa iyo nabadgelyadiisa doorka weyn ee shariifka ah ka soo qaatay, waxaa lagu xasuusan doonaa haladayggiisii iyo mawaaqiftiisii runta ku dhisnaa.

Ilaahay, waxa aan uga baryayaa in uu Jannatul firdowsada sare ku casuusmo, dambigiisana dhaafo innagana dhammaanteen ha innaga siiyo samir iyo iimaan saadaq ah. Aamiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here